AAYATIIN DF REGISTRATION IN SOMALILAND

Hargeysa (12-7-2017) Since Aayatiin development Foundation is non-governmental, non-political organization whose plan to help Somaliland communities as well as other somali communities in Somalia as a whole.

Therefore, it was a pleasure to ADF to be registered in Somaliland and its register number is L.43..13//961 2017M/J issued 1st January 2017 and expires 31st December 2017.

AAYATIIN DF

INFORMATION DESK

Sahan International UK and Nugaal University President meeting

pic11Leicester, UK (20-03-2016) To-day meeting was held in Leicester for welcoming Professor Abdirisak Mohamed Adan (Lafoole) the president of Nugaal University Las Anod and project co-ordinator of Sahan International Finland Mr. Jama M Farah.

The Meeting was arranged by the new chairman of Sahan International Relief Association UK , Charity no.1149530 Abdirahman Ali Mire.

The other purpose of the meeting was to encourage the Somali youth who are actively help their people in Somalia.

Professor Lafoole presented the Somali Education System specially universities in Somalia. He presented the Nugaal University faculties and their situation.

Jama M Farah presented the new Badbaado Project of healthcare training planning by Somalia Finnish Network with Sahan International Finland, Puntland Society and Somaliland-Seura.

Jama presented how the new project need to participate by paying the self-finance share of 7.5% needed by Finland Foreign Ministry. UK Somali community in the meeting promised to participate the HealthCare training school.

pic1  pic4

pic6   pic7

pic11  pic24

 

DONATE TO AAYATIIN/KU TABARUC AAYATIIN

DONATE BUTTONAayatiin Development Foundation (ADF) is non-governmental, non-political, non-racial and equal to all Organization registered in Somalia. Aayatiin helps the needy providing food, medication and support education. Please donate your donation to its Paypal Account. Aayatiin is cooperating with Sahan International Relief Association registered in Finland and UK.

Ururka horumarinta Aayatiin waa urur ka madax banaan dawlad, siyaasad iyo qabiil wuxuu caawiyaa danyarta baahan xagga raashinka, daawada iyo waxbarashada. Wuxuu ka diwaangashan yahay Soomaaliya. Aayatiin wuxuu wada shaqayn la leeyahay ururka Caalamiga ah ee Sahan International Relief Association ee ka diwaangashan Finland iyo Ingiriiska.

Fadlan soo dir kaalmadaada:








Ku tabaruc Aayatiin
Caawi Alle ha ku caawiyee










 

Wiilkii yaraa oo Ilaahay (SWT) caafiyey

PIC130/07/2015 Wiilkan yar oo 3 bilood ka hor qaylo dhaantiisa la soo geliyey media -yaha, waxaa ka qaybqaatay taageerayaasha ururka Aayatiin in ay u ololeeyaan sidii loo caawin lahaa iyaguna way ka qaybqaateen Ilaahay (SWT) ajar iyo xasanaad ha ka siiyo e.

Dhank Buuhoodle waxaa u istaagay Saciid Khaliif Xagar oo had iyo jeer u taagan caawinta dadka danyarta ah ama dhibaataysan isagana Ilaahay (SWT) ajar iyo xasanaad ha ka siiyo.

Walaalayaal video gan hoos aad ka daawan doontaan waa wiilkii oo Ilaahay (SWT) caafiyo lugihiisa ku soconaya, waxaana ku wada farxay dadkii ka qaybqaatay taageerada wiilkaas yar iyo kuwii aan ka qaybqaadan ba.

Walaalaha muslimka ah ee haddana Soomaalida ah waxaa mar kasta looga baahan yahay in walaalahooda dhibaataysan u gurmadaan oo caawiyaan si iyagana Ilaahay (SWT)

AFURINTA AAYATIIN EE BISHA RAMADAAN

pic1AFURINTA DADKA MASAAKIINTA AH

  1. Horudhac

Mashruucan wuxuu soo bilawday 2008 dii ilaa haddana waa la wadaa, waxaana sanad walba ka faa’iida dad masaakiin ah oo soomanaa. Waa sannadkii 8 aad ee la wado mashruucan, Insha Allaah waa in uu horumar sameeyaa.pic3

  1. Ujeedada mashruuca

Ujeedada mashruucu waa in Ilaahay (SWT) loogu dhawaado si taas loogu dadaalana waxaa la afurinayaa dadka danyarta ah ee dhibaatadu ka haysato in ay helaan cunto iyo cabitaan. Dhaqaalena looga qaado kuwa muslimiinta ah ee haysta.

pic2

  1. Xagee lacagta lagu soo hagaajinayaa:

 AFURINTA AAYATIIN EE BISHA RAMADAAM ZAAD NO252634984695

Walaalayaal si loo afuriyo isla maanta ba dadka masaakiinta ah la soo degdega sadaqadiina. Qofkii doonaya in uu afuriyo 30 ka maamlmood ba maalintii hal qof waa 30 afuro oo midiiba tahay $3.5 isugeyntu waa $105 khidmadu dheer tahay.

Maamule

Abdihafid Mohamed Khalif

tel.252634492062

 

VIDEO: SOO CAAWIYA WIILKAN YAR EE XANUUNSAN

PIC1Ururka Aayatiin Development Foundation iyo taageerayaashiisu waxay si hagar la’aan ugu guntadeen sidii ay u caawin lahaayeen miskiin yar ee aadka u xanuunsan, waalidkiisna aysan awoodin in ay dhakhtar magaalo kale jooga geeyaan maadaama Buuhoodle waxba lagaga qaban kari waayey.

Gurmadkii wiilkaas yar wali waa socdaa waxaadna taageeradiina ku hagaajin kartaan JAMA FARAH HASSAN, waxaana u qaadi kara Siciid Khaliif Xagar tel.00252634491096 -. Buuhoodle.

Ilaahay (SWT) ha caafiyo wiilkaas yar ee sabiga ah.

PIC2

SHIRKA SIDII MASHAARIICDA GOBOLKA CAYN LOO DHAMAYSTIRI LAHAA

Aayatiin BoardGuddiga fulinta ee ururka Aayatiin Development Foundation wuxuu soo abaabulay shir muhim ah oo xagga teleconference ka ah beri 24.5.2015 saacada somalia 8pm, UK 6pm, Minisota 12 noon, Toronto 1pm.

Fadlan soo waca 001 6055623140 furaha lagu soo galayaana waa 450835#.

Waxaa shirka ka hadli doona

1. Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Dawlad Goboleedka Khaatumo

Mudane Abdirisak Awil Bacaluul

2. Guddoomiye ku xigeenka Golaha Deegaanka Khaatumo

Mudane Mohamed Ali Farah (Dhagaburo)

3. Dactor Sheikh Abdi Shaafi

4. Ganacsade Ahmed Abdi Gurey

5. Mudane Jama Hassan Abdi (qurbajooge hore)

6. Guddiga Aayatiin

Shirkii 3aad ee guddigu fulinta iyo Sadaqadii Reerkii Danabku ku dhacay

Buuhoodle (17-5-2015) Waxaa maanta shir isugu yimid guddiga fulinta ee Aayatiin DevelopmentFoundation, shirkaas oo lagu qabtay xafiiska ururku ku leeyahay magaalada Buuhoodle.

Ajendaha shirka

1. Sidii dhaqaale uruurinta gudaha loo xoojin lahaa

2. Sidii loo bilaabi lahaa dhaqaale uruurinta dibedda

3. Shaqada ´Maamulaha ururka

4. Time table -ka shaqada ee 2da asbuuc ee soo socda

Dhammaan ajendeyaasha shirka waa laga hadlay waxaana laga wada gaadhay go’aamo muhim sida

1. Waxaa la go’aamiyey in magaalada Buuhoodle iyo magaalooyinka dhanka bari ka xiga in laga bilaabo

dhaqaale uruurin

2. In sida ugu dhakhsaha badan loo bilaabo dhaqaale uruurinta dibedda

3. Waxaa kaloo la isla gartay shaqada maamulaha xafiiska Aayatiin taas oo kulansatay xoghayn, xisaabiyenimo iyo la socod shaqada maalinlaha ah.

4. Waqtiga shaqooyinka la qabanayana waxaa loo xilsaaray maamulaha

Shirka waxaa lagaga warbixiyey lacagtii uu soo diray Keenadiid Cawil Cabdi Hiirad oo jooga UK, iyadoo loo soo duceeyey isaga iyo intii kala qaybqaadatay ba.

Hamar-lagu-xidh pic6 Untitled

Halkan hoose ka daawo video ka iyadoo qoyskii lacagtii Keenadiid soo diray uu maamulka ururka Aayatiin ku wareejinayo

MAGAALO KASTA LACAGTA AAYATIIN KA CODSANAYSO

Xafiiska Aayatiin (10-05-2015) Shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah kuna kala nool dunida dacaladeeda waxaa ururka Aayatiin Development Foundation ka codsanayaa in la soo taageero si uu u dhamaystiro mashaariicda qabyada ah ee ka socotay Buuhoodle, kuwaas oo kala ah:

1. Dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee Ismaaciil Mire

2. Dhismaha Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Buuhoodle

3. Dhismaha Xarunta Agoonta oo 2 dabaq ah

4. Dhismaha Cisbitaalka Dhimirka ee Dr. Xabeeb

5. Dhismaha wadada wadna ah oo laami laga dhigo

6. Dhismaha Jeelka

7. Dhismaha Saldhiga Booliska

8. Dhismaha Wadada Magaalada iyo Airport-ka

Fadlan dhaqaalaha taageeradiina kusoo shuba Account-yada kala ah:

AAYATÍIN DEVELOPMENT FOUNDATION ZAAD NO. 252634980658 

AAYATÍIN DEVELOPMENT FOUNDATION E-DAHAB 252659697713 ACCOUNT NO.36174

AAYATÍIN DEVELOPMENT FOUNDATION AMAL EXPRESS ACCOUNT NO.60024 BUUHOODLE

Sida lacag loo qaybiyey halkan riix: QAYBINTA XISAABTA LA URUURINAYO

Daawo Sawiradii Hagoogane

Aayatiin BoardHagoogane (07-5-2015) Kulan si heersare ah loo soo abaabulay ayaa ka dhacay geed hoostiis, waxaana ku kulmay hawlwadeenada ururka Aayatiin iyo shacabka degan Hagoogane.

Ujeedada kulanku wuxuu ahaa in shacabka degan Hagoogane ka qaybqaataan horumarinta dhulkooda, iyadoo ay jiraan 8 mashruuc oo qabyo ah una baahan in la dhamaystiro.

Kulankii Hagoogane ee 07-05-2015 wuxuu u dhacay si wanaagsan, sawiradii laga qaadayna waa kuwan hoos ku cad:

Aadan Ali Olol adhigii hagoogane Ahmed Osman Abdi Ali Dhegjar Dayib Abdi Ducaale hagoogane1 hagoogane2 hagoogane3 Ismail Abdiqani Sheikh Mukhtar guddiga Aayatiin

DAAWO DHAQAALE URUURINTII GUDAHA OO BILAABATAY

DSC01996Hagoogane (07-05-2015) Waxaa maanta ka baxay Buuhoodle  guddiga dhaqaale uruurinta gudaha ee Aayatiin (local fundraising committee) waxaana qorshahoodu ahaa in ay isu maraan Hagoogane, Sooljoogto iyo Maygaagle si ay shacabka halkaas degan u wacyigeliyaan sidii ay isu kaashan lahaayeen ugana qaybqaadan lahaayeen dhamaystirka mashaariicda qabyada ah ee gobolka Cayn.

Roobab xoog leh oo da’ayey awgeed waxaa guddigii dhaafi waayey Hagoogane. Waxaase Hagoogane ka dhacday kulan aad u sareeya oo ay ku kulmeen guddigii Aayatiin iyo shacabkii reer Hagoogane.

Wacyigelin iyo isfahan ka dib, waxaa shacabkii deegaanku bilaabeen in ay bixiyaan xoolahoodii uguna deeqaan ururka si loogu dhamaystiro mashaariicda, waxaa la bixiyey xoolo badan.

Barnaamij-kan waxaad ka daawan doontaan Insha Allaah Somali Channel TV.

Barbarkay´ka baxdaa waa bakayle qaleen.

Haddii Alle idmo waxaa ururka u qorshaysan in magaalo kasta oo shacab Soomaaliyeed degan yahay in ururku ka helo taageero, iyadoo dhaqaalaha mashaariicda qabyada ah dhamaystiri karaa dhan yahay ugu yaraan 500 000$ (shan boqolkun).

Waxaana rajaynaynaa in lacagtaas lagu helo muddo 3 bilood ah lana dhamaystiro mashaariicda.

Contact person

Abdixaafid Mohamed Khaliif

+252634492062 

Iyadoo shacabkii Reer Hagoogane xoolihii bixinayaan halkan ka daawada video-ga hoose.

Shirkii 3aad ee guddiga fulinta Aayatiin

20150118_091334Buuhoodle (02.05.2015) Shirkii 3aad ee guddiga fulinta ay isugu yimaadeen inta badan guddigaasi waxay ka wada hadleen:

1. Sidii loo bilaabi lahaa dhaqaale uruurinta gudaha si mashaariicda qabyada ah loo dhamaystiro

2. In ganacsatada magaalada Buuhoodle lala shiro.

Waxaa la isku raacay:

1. In guddi ka kooban 7 xubnood oo ah guddigii lacag uruurinta in loo diro Xadhadhanka ilaa Horufadhi kana soo uruuriyaan xoolo lagu dhamaystiro mashaariicda qabyada ah.

2. In marka guddiga dibedda u baxay markay soo noqdaan la qabto shirkii ganacsatada Buuhoodle.

Barbarkay ka baxdaa waa bakaylo qaleen.

Xafiiska wararka ee Aayatiin

AAYATIIN DEVELOPMENT PROJECTS PLAN

Aayatiin information

20150225_164958[1]The trustees of Aayatiin Development Foundation ADF had been discussing how to finalize the different projects which was not finished. It was very important to make priorities from one to eight.

The trustees decided to prioritize the projects as following:

1. Ismail Mire International Airport of Buhodle

2. Dr. Habeeb Mental Hospital

3. Orphan Building

4. East Africa University, Buhodle Campus

5. The main road

6. The prison building

7. Station Police and

8. TB Centre

The trustees’ plan is to implement the projects one by one for this reason Aayatiin had arranged:

1. An office equipped with computer, printer, desk, chairs and stationaries

2. An administrator is employed

3. Named fundraising committees

Aayatiin, ADF is waiting your support to do the job.

Aayatiin Information Desk (AID)

Baaq ku socda ummadda Soomaaliyeed

Buuhoodle (25-4-2015) Baaq uu soo saaray ururka Aayatiin Development Foundation, kaas oo ku socda ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto.

Walaal meel kasta oo aad ku nooshahay ururka Aayatiin waa kuu baahan yahay ee ka qaybqaado horumarinta dalkaaga iyo dadkaaga oo sadaqadaada ku soo shub:

AAYATIIN DEVELOPMENT FOUNDATION

1. Zaad No. 0634980658

2. E-dahab: 0659697713  or account n. 36174

3. Amal Buuhoodle account No. 60024

Baaqii oo video ah ka daawo halkan hoose una gudbi saaxiibadaa.

Ururka Aayatiin oo deeq u qaybiyey dad dan yar ah

Buuhoodle (21-4-2015) Hawlaha ururka Aayatiin Development Foundation oo si habsami ah u socdaa. Mas’uuliyada ururka waxay Talaadadii 21.4.2015 u qaybiyey deeq lacageed dad isugu jira masaakiin, agoomo iyo waliba curyaamiin. Iyadoo deeqdaas ay ururku ugu deeqday shirkadda Xawaalada Amal Express oo had iyo jeer caawisa shacabka Soomaaliyeed ee danyarta ah.

Xawaalada Amal Express oo awalba looga bartay adeeg xawaaladeed oo degdeg ah iyo waliba amaano xifdin wanaagsan, waxay haddana ku darsatay in ay caawiso walaalaha Soomaaliyeed ee danyarta ah.

Ilaahay (SWT) ajar iyo xasanaad ha ka siiyo Xawaaladana ha barakeeyo.

Deeqdii oo la qaybinayo hoos ku daawo.

Dr. Habeeb oo aad u amaanay reer Buuhoodle

20150118_091334Aayatiin(18-4-2015) Waxaa fariin aad qaali u ah naga soo gaadhay Dr. Habeeb oo ahaa dhakhtarkii Buuhoodle yimid daaweeyey dad badan oo ka jiranaa dhimirka, Ilaahay (SWT) ajar iyo xasanaad ha ka siiyo. Haddana soo amaanay reer Buuhoodle iyo sida ay isugu duuban yihiin, isagoo ugu deeqay in uu shaqaalaha ka shaqayn doona Cisbitaalka Dhimirka ee Dr. Habeeb ee Buuhoodle uu tababar siin doono. Insha Allaah haddii aanu nahay ururka Aayatiin qorshaha waa ku darsanaynaa tababarka shaqaalaha.

Qoraalkiisii oo aan waxba laga badanalin waa kan hoos ku qoran:

DR. HABEEB

” Anigoo ku hadlaayo Magaca Heeyada Habeb Mental Health Foundation waxaan Halkaan ka Cadeeynayaa Gobolada dalka dhamaantood wali maanan arag deegaan Soomalyeed oo lamid Deegaanka Buuhoodle Hanbalyo. Marka laga Hadlaayo Hirgelinta Mashruucda Caafimaadka Dhimirka ee Lagu caawinaayo bukaanada dhimirka La’ ee Deegaanka. Waxaan Layaabay Garaad, Suldaan, Beeldaajiye, Siyaasi, Culumaa-udiin, Dhalinyaro, Ganacsato, Arday iyo Haweenba oo iyagoo isku duuban marqura isu taagay ineey hirgeliyaan mashruuca Caafimaadka Dhimirka, aad iyo aad baad ugu mahadsantihiin sidaad noogu soo dhaweeyseen Buuhoodle Mana ilaawi doono aniga iyo kooxdeeyda Daryeelka Caafimaadka Dhimirka. waxaan aad iyo aad ugu farxay soo bandhigida Ururka aayatiin development aay soo bandhigeen heerka uu marayaa dhismaha isbitaalka, aleeylehe waa gabagabo (Dhammad) Dr. Habeeb na waxaa laga doonayaa in uu diyaariyo Tababar 6 billood ah oo latababaraayo 6 Kalkaakaaliye oo loo tababaraayo Psychiatric Diploma 6 Billod oo awoodidoono haduu alla idmo Xaqiijinta Cudurka iyo Daaweeyntiisa. Waxaa kale oo latababarayaa 10 Social Workers (Daryeelayaal) oo iyaguna latababari doono muddo 3 bilood ah. Marka waxaan arkaayay aayatiin oo kahadleeysa dhaqaalaha inta ka hartay gabgabeeynta dhismaha isbitaalka. marka waxaan idiin soo jeedinayaa Dal Joog iyo Qurba Joog inaad qorsha ku darsataa qarashka tababaradaa, oo ladoonayo ineey bilaawdaan inta aan ladhameeystirin cisbitaalka. Fadlan faafaahin dheeri ah lasoo xiriir Dr.Habeeb Mobile: +252615899081″

Shirkii 2aad ee guddiga fulinta Aayatiin 17-4-2015

pic3Buuhoodle (17-4-2015) Waxaa maanta shirkoodii joogtada ahaa ee 2aad ku qabsaday magaalada Buuhoodle guddiga fulinta ee Aayatiin Development Foundation oo u taagan habeen iyo maalin sidii ay dalkooda iyo dadkooda u horumarin lahaayeen.

Ajendaha shirku wuxuu ahaa:

1. In la magacaabo guddiyadii dhaqaale uruurinta ee gudaha iyo dibeda ba

2. Sidii xafiiska loo qalabayn lahaa

3. Sidii deeqda sakada ah ee ay ku deeqday Xawaalada Amal Express loo qaybin lahaa sida shareecadu qabto ee loo ogol yahay sakada.

Dhammaan qodobaas kor ku qoran waa laga dooday waxaana la isla gartay sidan:

1. Waxaa la magacaabay guddi ka kooban 9 xubnood oo ah guddiga dhaqaale uruurinta (Fund Raising Committee) kuwaas oo dhaqaalaha ka uruurin doona gudaha Somalia iyo Dibeda labadaba. Ujeedada loo uruurinayaana tahay dhamaystirka 8 mashruuc oo qabyo ah oo uuu horeeyo Garoonka Diyaaradaha ee Buuhoodle.

2. Waxaa la isla gartay sida ugu dhakhsaha badan in loo qalabeeyo xafiiska.

3. Deeqda Sakada ah ee Xawaalada Amal Express ay ugu deeqday ururka Aayatiin waxaa loo qaybinayaa inta Ilaahay (SWT) uu yiri ha la siiyo Sakada, iyadoo aan inyarna laga leexan.

Walaalayaal guddiga Aayatiin ee u taagan horumarinta dalka iyo dadka la shaqeeya oo codsigooda ajiiba, wixii ay idiinka soo baahdaan ula degdega.

Xafiiska wararka ee Aayatiin

Aayatiin Information Desk (AID)

 

 

Kormeerkii guddiga fulinta

PIC1Buhodle (13-4-2015) Waxaa maanta booqasho ku tagay 6 mashruuc oo qabyo ah xubno ka tirsan guddiga fulinta ee Aayatiin Development Foundation ADF. Iyadoo ujeedada kormeerkoodu ahaa in ay u guurgalaan hawsha sugaysa ee ah dhamaystirka mashaariicdaas.

Kormeerkoodu wuxuu ku soo dhamaaday guul, waxayna inoo soo gudbiyeen muuqaalkii kormeerkooda. Waana kan ee nala daawada:

Waxaa kaloo kalmad soo jeediyey Jama Jawali oo ka mid ah guddiga fulinta fariintiisiina waa tan ee nala daawada:

Guddiga Fulinta oo soo kormeeray mashaariicda qabyada ah

DSC01996Buhodle (12.04.2015) Guddiga fulinta ee Aayatiin Development Foundation ADF oo loo doortay in ay ka shaqeeyaan horumarinta deegaamada ururku ka hawl galo.

Waxay maanta oo taariikhdu tahay 12.4.2015 ay kormeer ku tageen mashaariicdii qabyada ahayd ee Gobolka Cayn, kuwaas oo ururku diyaar u tahay in uu dhamaystiro haddii Alle idmo. Waxayna soo kormeereen:

1. Airport ka (Ismail Mire International Airport)

pic2

2. Dr. Habeeb Mental hospital (Cisbitaalka Dhimirka)

mh3

3. Orphan Building (Dhismaha Agoonta)

PICS2

4. East Africa University Buhodle Compus

DSC01996

5. Prison building (Jeelka) iyo

6. Main road (wadada wadnaha)

20150118_091334

Walaalaha Soomaaliyeed ee horumarka dalkooda jecel waxaanu ka codsanaynaa in ay ka soo qaybqaataan dhamaystirka Mashaariicda ka socota gobolka Cayn ee Soomaaliyeed.

Taageeradiina dhaqaale ku soo hagaajiya account-yada ururka ee hoos ku qoran:

AAYATÍIN DEVELOPMENT FOUNDATION ZAAD NO. 252634980658  ama

AAYATÍIN DEVELOPMENT FOUNDATION E-DAHAB 252659697713 ACCOUNT NO.36174 ama

AAYATÍIN DEVELOPMENT FOUNDATION AMAL EXPRESS ACCOUNT NO.60024 BUUHOODLE 

Wixii ku saabsan kormeerkii maanta waxaad Insha Allaah ka daawan doontaa Somali Channel TV.

FG: Waxaanu halkan ugu mahadcelinaynaa shirkadda Xawaalada Dahabshiil oo Cisbitaalka dhimirka ugu deeqay 20 000$ iyo shirkada Xawaalada Amal Express oo agoonta iyo masaakiinta ugu deeqeen 10 000$. Lacagtaas Amal bixisay oo ah Sakko.

Xafiiska Wararka ee Aayatiin

Aayatiin Information Desk (AID)

Shirkii guddiga fulinta ee Aayatiin 09-04-2015

20150121_151104Buuhoodle (09-4-2015) Waxaa caawa shir isugu yimid guddiga fulinta ee Aayatiin Development Foundation ee xaruntiisu tahay Buuhoodle. Waxaa shirka ajendihiisu ahaa:

1. Warbixin wixii ururka u qabsoomay 3 dii asbuuc ee dambeeyey

2. Hawlaha muhimka ah ee ururka u yaal bishan April 2015

Waxaa la soo jeediyey warbixintii, waxaana ka mid ahaa in guddiga Aayatiin ay la kulmeen Jaaliyada imaaraadka kuna heshiiyeen in jaaliyadu ay ka qaybqaataan horumarinta dalkooda iyagoo taageeraya ururka Aayatiin.

Waxaa kaloo warbixinta ka mid ahaa in shirkadda Xawaalada ee Amal Express ay ururka ugu deeqday lacag dhan

$10 000.= (tobankuna) dollar. Ilaahay (SWT) ajar iyo xasanaad ha ka siiyo.

Qodobka 2aad ee ajendaha oo ahaa hawlaha waxqabadka u baahan, waxaa laga hadlay:

1. Sidii loo qalabayn lahaa xafiiska loona dhigi lahaa computero iyo printer

2. In degdeg loo magacaabo guddi hoosaadyo ka uruuriya deegaanka Gobolka Cayn dhaqaalihii lagu dhamaystiri

lahaa mashaariicda iyo guddi hoosaadkii qurbajoogta la xiriiri lahayd.

3. In dadweynaha loo soo bandhigu mashaariicda ururka Aayatiin uu wax ka qabanayo loona baahan yahay in laga

caawiyo, dhawaana aad ka daawataan TV-yada.

4. In loo balamo shirkan shirka ku xiga oo ah Axada 12.04.2015

Xafiiska wararka ee Aayatiin (Aayatiin Information Desk, AID)

Xawaalada Amal Express oo $10000 ugu deeqday ururka Aayatiin

LogoDubai (19.3.2015) xubin ka mid ah Golaha Dhexe iyo guddiga fulinta ee ururka Aayatiin Developmwnt Foundation ADF ayaa maanta la kulmay madaxda ugu saraysa shirkadda xawaalada ee Amal Express. Xubnaha lala kulmay waxaa ka mid ahaa Maareeyaha Shirkadda Mr. Saciid M Samantar iyo guddoomiyaha golaha dhexe (BOD) Mr. Mohamud Hagi Abdullahi.

Waxaanu u gudbinay codsi ku saabsan sidii shirkadda Amal Express uga qaybqaadan lahayd horumarinta deegaanka Gobolka Cayn gaar ahaan waxqabadka ururka Aayatiin Development Foundation ADF oo ah urur cusub oo u istaagay in la dhamaystiro 8 mashruuc oo qabyo ah, isla markaana abaabulo kuwo cusub.

Waxaanu ku heshiinay in aan soo qorano codsi qoraal ah ku saabsan waxa aan doonayno.

Codsigii waanu u qoranay wayna ka shireen, waxayna na soo siiyaan jawaab aanu ku faraxnay taas oo ahayd taariikhdu markay ahayd 02.04.2015

in shirkadda Xawaalada Amal Express ay ugu deeqday hawlaha ururka Aayatiin wado lacag dhan $10 000.= (tobankun) dollar, taas oo aanu uga mahadcelinayno shirkadda iyo Golaheeda Dhexe ba (BOD). Waxaanu shacab ku guubaabinaynaa in ay lacagta ka dirsadaan Amal Express iyo Dahabshiil Group ba, maadaama labada shirkadood ba ka qaybqaateen horumarinta gobolka Cayn.

Xafiiska Wararka ee Aayatiin

Maamulaha cusub ee ururka Aayatiin

PIC1Buhodle (02/4/2015)  Waxaa ururka Aayatiin Development Foundation ADF u baahday maamule xafiiska ka shaqeeya. Waxaa ururka ka codsaday Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Buuhoodle in ogeysiis la dhajiyo lagu baahinayo in ururka Aayatiin u baahan yahay Maamule (administrator).

Markii ogeysiiskii la dhajiyey, waxaa soo dalbaday 2 xubnood ka dibna waxaa laga qaaday imtixaam qoraal ah waxaa kaloo lala yeeshay waraysi.

Waxaa ku guulaystay jagadaas Mr. Cabdixaafid Maxamed Khaliif.

Waxaanu soo dhawaynaynaa maamulaha cusub ee Aayatiin Development Foundation, waxaana Ilaahay uga baryeynaa in uu u fududeeyo hawshaas culus ee loo xilsaaray. Guddiga Fulinta ee Aayatiin waxay ballanqaadayaa in ay si wanaagsan ula shaqeeyaan maamulaha Aayatiin Cabdixaafid Maxamed Khaliif.

Xafiiska Wararka ee Aayatiin

Kulankii Aayatiin Iyo Jaaliyada Emirates ka


20150320_210622Abu Dubai (20.03.2015)
Waxaa maanta ku kulmay magaalada Abu Dubai guddoomiye ku xigeenka golaha dhexe iyo guddoomiyaha guddiga fulinta Jama Hassan iyo Jama Jawali iyo jaaliyada emirates ee ka soo jeeda gobolada SSC.

Waxayna ka wada hadleen sidii ay u taageeri lahaayeen waxqabadka ururka Aayatiin Development Foundation oo dhawaan bilaabay in uu ka hawgalo gobolka Cayn. Jaaliyada Imaaraadku waxay ballanqaadeen in ay ka qaybqaadanayaan taageerada ururka Aayatiin.

Waxaa laga sugayaa in a soo bixiyaan lacagta xubinimada ururka iyo dhaqaalaha loo uruurinayo dhamaytirka mashaariicda qabyada ah oo qaybta kaga aadan Emirates ka tahay $36000.

Sawiradii kulanka:

20150320_170945 20150320_210622 20150320_210627 20150320_210630 20150320_211028 20150320_211034

 

Aayatiin Development Foundation

Information Desk

Dhamaystirka Xarunta Agoonta ee Buuhoodle

PICS2(Aayatiin ADF press) 18.03.2015 Waxaanu shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka degan Gobolka Cayn la socodsiinaynaa in ururka Aayatiin Development Foundation ADF loo aasaasay dhamaystirka mashaariicda qabyada ah ee Gobolka Cayn. Waxayna u kala horeeyaan sidan:

1. Dhamaystirka Mashruuca Airport -ka

2. Dhamaystirka Jaamacada oo wax yar u dhiman yihiin

3. Xarunta Agoonta ee Buuhoodle

Waxaanu haddaba ummadda jecel horumarka dalkooda la socodsiinaynaa in xoolahooda iyo caqligoodaba isugu geeyaan midnimadooda si ay horumar u gaadhaan. Sidaas awgeed wixii taageero ah waxaad ku soo shubtaan akoonada ururka Aayatiin ee hoos ku qoran:

1. Zaad +252634980658

2. E-dahab 252659697713 ACCOUNT NO.36174

Xafiiska Wararka Aayatiin

KU SOO BIIR URURKA AAYATIIN

ayatinAAWalaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waa dad walaalo ah wada leh dal la yiraahdo Somalia, Muslim ah, Sunni ah, wadaaga wada dhalasho iyo xigaalo.

Sidaas awgeed ku soo biir ururka Aayatiin Development Foundation ADF !!

Waxaadn iswaydiin kartaa su’aalo dhawr ah sida:

1. Maxaan ugu biirayaa?

Jawaabtu walaal adigoon qabiil u eegin adigoon deegaan u eegin, waa urur ka shaqaynaya horumarinta deegaan ka mid ah Soomaaliya oo ah dalkaagii, sidaas awgeed ku soo biir.

2. Sidee haddaba ugu soo biiraa oo uga mid noqdaa?

Jawaabtu waa fududahay account-yada hoos ku qoran hadba kii kuu fudud ku soo shub lacagta xubinimada oo dhaxaysa $20 ilaa $100

AAYATÍIN DEVELOPMENT FOUNDATION ZAAD NO. 252634980658 

……………………………………………………………………………………………………………………………………….

AAYATÍIN DEVELOPMENT FOUNDATION E-DAHAB 252659697713 ACCOUNT NO.36174

…………………………………………………………………………………………………………………………………………

AAYATÍIN DEVELOPMENT FOUNDATION AMAL EXPRESS ACCOUNT NO.60024 BUUHOODLE

 3) Maxaan ka faa’iidayaa ku soo biiridiisa?

Waxaad ka faa’iidaysa ajar iyo xasanaad aad xagga Alle ka hesho maadaama aad dad walaalahaa oo Muslim ah aad caawisay. Ururkana xuquuq ayaad ku leedahay oo ah in aad talo ku yeelato oo laguu doorto maamulkiisa, isla markaana aad wax u doorato.

Walaal adigoo mahadsan manta ba ku soo biir oo soo dir sadaqadaada Ilaahay (SWT) ha kaa aqbalo e.

Guddiga Fulinta ee Aayatiin

Daahfurkii aasaaska ururka AAYATIIN

 AAYATIIN DEVELOPMENT FOUNDATION, ADF, URURKA HORUMARINTA EE AAYATIIN

1. Ururku yaa sameeyey?

Waxaa ururkan Aayatiin sameeyey qurbajoog iyo daljoog ka kooban culimo, ganacsato, bulshada rayidka, maamul iyo waxgarad kale oo u dhashay deegaanka gobolka Cayn. Maxayse tahay ujeedada loo aasaasay:

2. Ujeedada ururka loo aasaasay

Waxaa ururka loo aasaasay qodobada soo socda:

1. Dhamaystirka mashaariicda qabyada ah oo ka kooban 8 mashruuc, iyadoo mudnaan loo kala samaynayo.

2. Midaynta dhaqaalaha lagu taageero gobolka horumarkiisa loona sameeyo hal xafiis oo maamula.

3. Qorshaynta mashaariic cusub, iyadoo lala kaashanayo hay’adaha ay khusayso

4. Dhiirigelinta maalgashiga kheyraadka dalka.

3. Maamulka Ururka

 

Ururka Aayatiin Development Foundation, ADF maamulkiisu wuxuu u dhisan yahay sidan soo socota:

1. Waxaa sameeyey shacabka Buuhoodle degan oo kala duwan

2. Wuxuu ururkani leeyahay Gole Dhexe oo ka kooban 9 xubnood

3. Wuxuu ururkani leeyahay guddiga fulinta oo ka kooban 13 xubnood

4. Wuxuu ururkani leeyahay hantidhawr ka madaxbanaan maamulka

5. Waa urur dadkoo dhan ku midaysan yahay si ay horumarkooda uga shaqeeyaan.

6. Maamulkiisa sanadkiiba mar ayaa la dooranayaa

4. Ujeedada ururka ee degdega ah

Ururku wuxuu bilaabayaa in uu dhaqaale ka uruuriyo gudaha dalka gaar ahaan Buuhoodle iyo agagaarkiisa, isla markaana dhaqaale ka uruuriyo qurbajoogta, isuguna geeyo hal khasnad, iyadoo

guddiyada kale sareeyaa maamulayaan. Wuxuuna ururku qorsheeyey qodobadan:

1. In la dhamaystiro mashruucyada qabyada ah, looguna horumariyo Garoonka Diyaaradaha ee Buuhoodle, laguna xajiyo Cisbitaalka Dhimirka oo socda hadda, Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda Buuhoodle iyo kuwa kale oo ku sii xiga.

2. Dhiirigelinta Maalgashiga dalka

Waxaa ururku qorsheeyey sidii loo dhiirigelin lahaa maalgashiga kheyraadka dalka, taas oo la diyaarinayo qorsheyaal shirkadeed oo maalgashada dalka.

5. Xagee ku soo shubaysaan lacagta?

Waxaad ku soo shubaysaan xisaab socotada ka furan shirkadaha soo socda:

1. Xawaalada Dahabshiil

Magaca loo diraha: Aayatiin Development Foundation

E-Dahab Number: 252659697713

Account Number: 36174

Magaalo: Buuhoodle

2. Xawaalada Amal Buuhoodle

Magaca loo diraha: Aayatiin Development Foundation

Account No: 0615-04-60024-01

Magaalo: Buuhoodle

3. Xawaalada Barakaat

ZAAD number 252634980658

6. Lacagta Xubinimada (Membership)

* qofka shaqeeya ee awooda xubinimadu waa (qiurbajoog iyo daljoog ba) $100.

* Qofkii shaqeeya lacag yar se qaata ama qurbajoog ah (qurbajoog iyo daljoog ba) $50.

* Shaqo laawe jooga dalka $20

HIIL HOOYO PROJECT IN PROGRESS

 

 The project aims to reduce the high maternal mortality that has hindered local life and development for a long time.
The project contributes to the realization of human rights by improving women’s maternal health and the access of
people with disabilities to healthcare.
Target
The immediate goals of the project are the improved professional skills
and motivation of health care professionals and traditional midwives, as well as an increased understanding of the
importance of postnatal and postnatal monitoring and the importance of institutionalization. The project also improves the facilities and tools
of maternity care in project areas and strengthens the capacity of the study modules of the universities’ maternity and childcare work as well as
the health authorities.
Co-workers
The project will be implemented as a joint project with six organizations, two polytechnics and three universities.The Somalia network in Finland
coordinates the project.
Functions
The planned duration of the project is six years. The first step will take two years. The main activities of the project are:
– Supplementary training for midwives (traditional and trained) and health care workers
– disability training
– information
– the purchase of appropriate equipment for one delivery department and two
clinics
– cooperation between Finnish and Somali colleges –
workshops for health care administration
Source: https://www.somaliaverkosto.fi/kehitysyhteistyo-somaliassa/hiil-hooyo-terveyshanke/

Kulanka ururka Sahan International iyo Prof. Abdirisak Lafoole

pic11Leicester, UK (20-03-2016) Waxaa maanta kulan ku yeeshay ururka Sahan International iyo Professor Abdirisak Mohamed Adan (Lafoole) oo ah guddoomiyaha Jaamacada Nugaal. Waxaa kaloo kulan ka soo qaybqagalay xiriiriyaha mashaariicda ururka Sahan Jaamac M Farah

Kulanka waxaa soo qabanqaabiyey guddoomiyaha cusub ee ururka Sahan International Charity No.1149530 Mr. Abdirahman Ali Shire.

Ujeedada labaad shirka waxay ahayd in la dhiirigeliyey dhalinyrada Soomaaliyeed si ay u caawin lahaayeen dadkooda ugana qaybqaadan lahaayeen horumarinta dalkooda

Shirkii waxaa hadal qiimo badan ka jeediyey prof. Abdirisak Lafoole kana warbixiyey waxbarashada Soomaaliya, gaar ahaan Jaamacadaha. Wuxuu si gaar ah uga warbixiyey horumarka ay ku talaabsatay Jaamacada Nugaal mudadii uu guddoomiyaha ka ahaan.

Professor Lafoole presented the Somali Education System specially universities in Somalia. He presented the Nugaal University faculties and their situation.

Jama M Farah presented wuxuu ka waramay mashruuc cusub oo la yiraahdo Badbaado Project of healthcare uu wado ururka midnimada ururada Finnishka iyo Soomaalida ee Finland. Mashruucan oo ay ka qaybqaadan doonaan  Sahan International Finland, Puntland Society iyo Somaliland-Seura.

Waxaa Jaamac soo bandhigay sida loogu baahan yahay in mashruuca dhaqaalaha ku baxaya qaybta laga rabo xubnaha ururka oo ay 7.5% kaash ah.

pic1  pic4

pic6   pic7

pic11  pic24

Sahan International local partner Aayatiin D.F

Aayatiin Board15.03.2016 (Buhodle) The Aayatiin Development Foundation Board of Directors met yesterday 14.03.2016 in Buhodle and discussed about the articles:

 

 

  1. To be Sahan International Relief Associatoion local partner in Somalia
  2. To nominate the project co-ordinator in Laascaanod
  3. To cooperate with Nugaal University about the new peoject

The BOD of Aayatiin decided:

  1. To accept the partnership of Sahan International of Finland
  2. Aayatiin DF contact person is Anisa Abdullahi
  3. Also accepted the cooperation between Aayatiin and Nugaal University

 

Date: 14.03.2016

Signed by

Aayatiin Secretary

Saado Mohamud

WARBIXINTA URURKA AAYATIIN EE 2015

PIC1Ururka Horumarinta ee Aayatiin (Aayatiin Development Fondation ADF) wuxuu ka dhashay bilawgii sanadkii 2015 waxaa magaalada ka dhacay kulan taariikhi ah oo lagu caleemasaarayey garaad Abdirisak Garaad Soofe, iyadoo caleemasaarkaasi dhacay 15.1.2015. Waxaa isugu yimid kulankaas dad badan oo ka kala yimid dunida dacaladeeda.

Waxaa Ilaahay mahaddii ah in qurbojoogtii iyo daljoogtii ay isu yimaadeen kana shireen sidii wax loo wada qabsan lahaa dalkana loo dhisi lahaa. Waxaa la qabtay seminaaro iyo kulamo shaqo (workshop). Waxaana ka dhashay kulamadaas in la aasaaso ururka la magac baxay Ururka Horumarinta ee Aayatiin.

Lifaaqa ka akhriso isagoo faahfaahsan:

Warbixinta ururka Aayatiin ee sanadka 2015

SHIR MUHIM AH EE AAYATIIN DEVELOPMENT FOUNDATION

Aayatiin BoardShir muhim ah ayaa la qabanayaa Insha Allaah beri oo Axad ah 09-08-2015.

Waxaa la soo wacayaa 00 1 605 562 3140.Saacada shirka la qabanayo waa

 

* Somalia                  8pm

* Mineapolis            10am

* Toronto/Columbus 11am

* Sydney/Australia  13 pm

Furaha waxaad kala soo xiriirtaan

wakiilada ururka Aayatiin ee caalamka, waxayna kala yihiin:

1. +358449743344

2. +447534700518

3. +16122292408

Ka soo qaybgal wacan

AAYATIIN DEVELOPMENT FOUNDATION

 

SHIR MUHIM AH EE URURKA AAYATIIN 02-08-2015

MEETING HEADLINEAAYATIIN DEVELOPMENT FOUNDATION ADF
DEVELOP YOUR COUNTRY PROJECT

SHIR MUHIM AH EE URURKA AAYATIIN

KA SOO QAYBGAL WACAN SHIRKA URURKA AAYATIIN DEVELOPMENT FOUNDATION ADF

Walaalayaal idinkoo mahadsan shirka macluumaadkiisii oo tafatiran waa kan:

Soo waca tel: 0017127757035

Access code 123402#

Waqtiga shirka

Axada 02-08-2015

Saacada: Somalia 8pm, UK 6pm, Mineapolis 11am, Toronto 12 pm

Gebagabo

Maxay muhim u tahay in aad ka soo qaybgasho shirkan? Waxay muhim u tahay waa iyadoo aad talo ka dhiibato sidii ururku u qaban lahaa shaqada loo xilsaaray, waxaana laga yaabaa in talo aad soo jeedisay dad badani ka faa’iidaan adiguna aad ajar iyo xasanaad aad ka hesho oo Ilaahay kaa siiyo.

Mahadsanidin

Maamulka Ururka Aayatiin